SSC–Khaatumo oo Dowladda Federaalka ku Wareejisay 25 Maxbuus oo ka tirsanaa Ciidamada Somaliland

SSC–Khaatumo ayaa si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka soo jeeda Somaliland, kuwaasi oo lagu qabtay intii uu socday dagaalka gobolka Sool ee sanadkii 2023-kii ee dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo.

Maxaabiistan oo ay ku jirto hal dumar ah ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho, iyadoo laga keenay magaalada Laascaanood, waxaana lagu wareejiyay dowladda dhexe si loo helo xal nabadeed oo waara, loona muujiyo rabitaanka bulshada ee ah in colaadaha laga gudbo.

Maxaabiista ayaa qaarkood waxaa ka muuqday xaalado caafimaad oo liita, halka kuwa kale lagu siday gaariga dadka naafada ah, iyadoo dhaawacyo kala duwan ay ka muuqdeen. Tani waxay iftiiminaysaa dhibaatooyinkii iyo xanuunkii ay soo mareen muddadii ay xabsiga ku jireen.

Tallaabadan nabadeed ayaa ku soo beegantay ka dib safar 4 maalmood qaatay oo uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ku tagay gobolka Sool, ujeedkiisuna ahaa xoojinta midnimada dalka iyo taageeridda nabadda.

Inkasta oo tallaabadan ay si weyn u amaaneen falanqeeyayaal siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah, haddana ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka Somaliland oo ku saabsan sii deynta maxaabiistan.

SSC–Khaatumo ayaa horay u sheegtay in ay tallaabadan u qaaday si ay u muujiso damqasho bani’aadanimo iyo garowshiiyo siyaasadeed, waxayna ugu baaqeen Somaliland in ay qaado tilaabo lamid ah, si loo abuuro jawi ku habboon nabad waarta iyo is-afgarad siyaasadeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed