Soomaaliya sheegtay in sifo sharci daro ah ku furanyihiin Qunsuliyadaha Itoobiya ee gudaha dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qunsuliyadaha Itoobiya ee qeybo ka mid ah dalka oo sifo sharci aheyn ku furan, welina shaqadoodii sii wata ay dhawaan go’aamo adag ka soo saari doonto, ka dib markii ay u huggaansami waayeen sharciga dalka u yaala.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha Dibedda Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) oo wareysi gaar ah siiyey warbaahinta VOA ayaa sheegay in dowladdu dalbatay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ee magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, balse aanan la xirin, ayna yihiin kuwa sharci daro ku furan oo ay sharciga waafaji doonaan.

“In la xiro waa dalbanay, nasiib daro lama xirin, waxay ka mid tahay caqabadaha na dhexyaalay dalka Itoobiya oo aan ka wada hadleyno, sharci daro ayey ku furanyihiin waxaana rajeyneynaa in koley mar uun sharciga la waafajin doono” ayuu yiri Cali Balcad.

Waxaa mar la waydiiyey sida ay u aragto Soomaaliya in hub fara badan Itoobiya ka soo galo, isaga ku jawaabay in ay tahay mid nasiib daro ah in hub uu galayo sida uu hadalka u dhigay gacmo aan ku munaasab aheyn, taasi oo uu cadeeyey in dhibaato ay ku tahay dalka.

Arinta khilaafka ka dhashay is-afgaradkii Itoobiya ay la gashay Somaliland ayuu dhanka kale sheegay in Itoobiya looga baahan yahay in ay raacdo shuruucda Caalamka u degsan ee dalalka aan marin badeedka laheyn, ayna raali galin ka bixiso ku xad gudbitaanka madaxbanaanida dalka.

Wasiir Cali Balcad ayaa tilmaamay in inta wadahadaladii socdeen ay ku jirtay soo jeedin ah in Itoobiya adeegsato dekadaha Soomaaliya, balse ay shuruud kaga dhigay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya in lagu celiyo siduu ahaa 31-dii December ee 2023, taasi oo ah burburinta heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku gows qabsatay shardiga ah burburinta heshiiskii Janaayo ee Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, inkasta oo ay ka meermeereyso Xukuumadda Addis Ababa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed