Soomaaliya Safka hore kaga jirta dalalka carabta ee gargaarka degdeg ah u dalbaya Falastiin

Waxaa dalka Masar ka dhacay shir ay isugu tageen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka Carabta oo ay uga arrinsadeen dhibaatooyinka ka jira Waddamada xubnaha ka ah Ururkaan.

Meertada 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta heerkiisa Wasiirrada Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saaray dhibaatooyinka ka jira Dhulka Falastiin oo xayiraad, Duqeymo iyo dagaallo aan dhammaad lahayn ay ku heyso Israa’iil oo garab ka heleysa Maraykanka & xulufadiisa.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Waddamada Carabta ayaa codkooda si buuxda ugu taageera in Gargaar degdeg ah loo gudbiyo Falastiiniyiinta dhulkooda lagu dhibaateeyay, raadinta xabbad joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah & joojinta barakicinta Dadka rayidka ah.

Soomaaliya waxaa shirkaan ku metalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Danjire Axmed Macallin Fiqi oo codkiisa ka dhiibtay qaraarka lasoo dhigay miiska wadahadalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u caddeysay mowqifkeeda la xiriira dhibaatooyinka ka dhanka Dadka Falastiiniyiinta, Madaxda Sare ee Dalka ayaa garab istaag u muujiyay Shacabka dulman ee Falastiin ee xaaladaha adag kala kulmaya ciidanka Yuhuudda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed