Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabadda xuska 82 sano guurada kasoo wareegtay aasaaska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, taasi oo ka dhacday Akadeemiyada Janaraal Kaahiye.
Munaasabadda oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh, ayna wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeyo Gaas Odowaa Yuusuf Raage & Saraakiil kale ayey Ciidamada Booliiska ku soo bandhigeen dhoolatus ka tarjumaya awooddooda shaqo, qalabka ay haystaan iyo soo bandhigista Gaadiidkooda casriga ah ee qaarkood dhowaan lagu wareejiyay.
khudbadaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi iyo mas’uuliyiinta kale ee goobta ku sugan ayaa diiradda lagu saari soonaa, maadama xusku socdo, baraarujijta Ciidamada & kaalintooda kaga aadan dowladda-dhiska Soomaaliya.
Booliiska Soomaaliya waxaa la aasaasay 20kii December sanadkii 1943dii, waxa uu waqti ahaan uu ka horreeyay Xorriyadda Soomaaliya, tan iyo xiligaas waxa uu soo maray heerar kala duwan oo isugu jira Barwaaqo & Duruufo adag.
HBN Online TV

