Soomaaliya oo war ka soo saartay Go’aanka Mareykanka kaga qaaday Cunaqabataynta Suuriya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ku dhawaaqay ee lagu qaaday cunaqabatayntii dhaqaale ee saarnayd dalka Suuriya.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu doonayo dib-u-heshiisiin iyo nabad waarta oo ka hirgasha gobolka Bariga Dhexe.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in waddamada Carabta, gaar ahaan Suuriya, looga baahan yahay in ay muujiyaan midnimo iyo wadajir, si loo helo nabad, xasillooni, iyo horumar la taaban karo.

Ugu dambayn, Dowladda Soomaaliya waxay ku adkaysatay inay ka go’an tahay wadashaqeyn walaaltinimo iyo ixtiraamka madax-bannaanida dhammaan dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed