Marka la eego xiisadda u dhaxeysa labada dal, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa xaqiijiyay in dalky uusan qaadan go’aan uu xiriirka ugu jaray Itoobiya, islamarkaana safiirka Itoobiya loo diray inuu dalka ka dhoofo Wada hadal dartii iiyo wadatashiyo.
Wasiirka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in go’aanka lagu xiray qunsuliyadda Itoobiya ee magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa uu yimid “si looga jawaabo xadgudubyada joogtada ah ee Itoobiya ay ku heyso ammaanka dalka”.
Wasiirku waxa kale oo uu xaqiijiyey in Somaliland iyo Puntland ay yihiin laba gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo lid ku ah tallaabooyinka ay Itoobiya qaadeeyso iyo sharuucda caalamiga ah.
Wuxuu intaas ku daray in labada qunsuliyadeed ee Itoobiya ay ku shaqeynayeen ogolaansho ay ka heystaan dowladda federaalka Soomaaliya, balse sharcigii ay ku shaqeynayeen uu meesha ka baxay markii dowladda federaalka ay go’aansatay in la hakiyo shatiyada, iyadoo raaceyso sharciga caalamiga ah.
Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale yiri “Waa muhiim in Itoobiya ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblumaasiyadeed ee ku jira Axdiga Geneva ee lagu maamulayo l dhaqamada diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Itoobiya, waxa uu yiri: “Waxa aanu diyaar u nahay in aanu qaadno tallaabo kasta oo aanu ku ilaalinayno madax-banaanidayada iyo ilaalinta sharafta dhulkeena”.
Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoojisay mowqifkeeda ku aadan dhowrista shuruucda caalamiga ah iyo raadinta nabadda dalalka deriska iyo beesha caalamka.
HBN NEWS DESK