Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si adag u diidday soo-jeedin kasta oo ku saabsan in Falastiiniyiinta laga masaafuriyo ama dib-u-dejin loogu sameeyo dhulka Soomaaliya, oo ay ku jirto gobolka waqooyi ee Somaliland, iyadoo carrabka ku adkaysay in qorshayaashaas aan la aqbali karin isla markaana aysan marnaba dhici doonin. Waxay beenisay warar sheegaya in saldhig ciidan oo Israa’iil leedahay laga dhisayo Soomaaliya, waxayna ka digtay in tallaabo kasta oo arrintaas la xiriirta si xooggan loo diidi doono.
Wareysi uu siiyey Al Jazeera, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ku faahfaahiyey mowqifka cad ee dowladda, isaga oo hoosta ka xariiqay in mudnaanta Soomaaliya ay tahay ilaalinta xasilloonida iyo midnimada dalka, isla markaana barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta ama dhismaha saldhigyo ciidan oo shisheeye aysan waafaqsanayn yoolkaas.
Wasiirku wuxuu xusay in DFS ay mowqifkeeda “si cad oo adag” ugu gudbisay beesha caalamka, isla markaana ay si buuxda ula wadaagto aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya marnaba oggolaan doonin in Falastiiniyiin laga soo barakiciyey dhulkooda la keeno waqooyiga Soomaaliya sida Wasiirku yiri, duruufo kasta ha ahaadeene. Inkastoo uu muujiyey rajada ah in wararka la xiriira dib-u-dejinta iyo saldhigga Israa’iil aysan sax ahayn, haddana wuxuu sheegay in taasi tahay xogta ay dowladdu ilaa hadda heshay.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa mar kale ku celiyey diidmada Soomaaliya ee aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, isagoo carrabka ku adkeeyey in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu tallaabadaas ku tilmaamay mid ku xadgudbeysa Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah, isagoo ka digay in ay la xiriiri karto dano istiraatiiji ah oo ku wajahan Badda Cas iyo Marinka Baabul-Mandab.
Cabdisalaam Cabdi Cali wuxuu xusay in madaxbannaanida iyo xuduudaha Soomaaliya si caalami ah loo aqoonsan yahay, isla markaana aan lagu beddeli karin ku dhawaaqyo hal-dhinac ah. Wuxuu tilmaamay in tan iyo ku dhawaaqista Israa’iil uusan jirin dal ama hay’ad caalami ah oo aqoonsatay Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa sharci-darro. Wuxuu sidoo kale ka digay in xasilooni-darro laga abuuro gobolka Badda Cas ay khatar ku tahay ganacsiga caalamiga ah iyo amniga gobolka.
Dhanka gobolka, wasiirku wuxuu muujiyey taageero xooggan oo ka timid Sucuudiga iyo Masar, isagoo ku tilmaamay xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalkaas mid soo jireen ah oo istiraatiiji ah. Ugu dambeyn, wuxuu soo dhaweeyey iskaashi dhinaca difaaca ah oo lala yeesho dalalka Carabta ee ixtiraama madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

