Soomaaliya oo wahaysa saameyn dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ka dib markii Maraykanka uu dhimay Taageeradii uu siin jiray

Hoos u dhaca ballaaran ee taageerada milatari ee Mareykanka uu siiyo Soomaaliya ayaa sii kordhaysa, xili walaac weyn ay ka muujiyeen khubaro ku takhasustay amniga gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Khubaradani waxay ka digayaan in tallaabadan ay fursad siineyso kooxda Alshabaab, isla markaana ay khatar gelin karto horumarkii laga gaaray dagaalka lagula jiray argagixisada muddo ka badan toban sano.

Mareykanku wuxuu si weyn hoos ugu dhigay ka-qaybgalka uu ku lahaa Geeska Afrika, iyadoo si gaar ah loo dhimay maalgelinta iyo taageerada la siiyo Cutubka Danab — oo ah ciidan gaar ah oo Soomaaliyeed oo si dhow ula shaqeeya ciidamada Mareykanka. Tan iyo xilligan madaxweyneDonald Trump, waxaa dhacay dib-u-dhacyo la xiriira dirista ciidamo cusub, soo ifbaxa yareynta taageerada milatari iyo hoos u dhaca wada-shaqeynta, sida uu daabacay Wargeyska Washington Post ee ka soo baxa dalka Mareykanka.

“Dhimista taageeradan waxay noqon kartaa musiibo,” ayuu yiri khabiir amni oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, waxaana uu ku daray “Al-Shabaab waxay durba bilaabeen inay dib u qabsadaan dhul iyo inay kordhiyaan weerarrada.”

Cutubka Danab oo Mareykanku tababaray ayaa muddo dheer safka hore kaga jiray dagaalka lagula jiro Alshabaab, hase yeeshee waxaa haatan wiiqay yareynta dhaqaalaha iyo hoos u dhaca taageerada cirka. Dib u garashada Mareykanku waxaa loo aanayhaa, taageerada Turkiga ee si degdeg ah u kordhaysa dhanka amniga Soomaaliya. Dowladda Ankara waxay siisaa ciidamada Soomaaliyeed: Taageero milatari toos ah, Diyaarado aan duuliye lahayn (drones iyo Tababaro ciidan.

Sidoo kale, labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo cusub oo iskaashi oo ay ku jiraan kuwa ku saabsan baaritaanka shidaalka. Tani waxay muujinaysaa kororka saameynta Turkiga ee Geeska Afrika.

“Taageerada Turkigu waa muhiim, laakiin waxay sidoo kale caqabad ku tahay dheellitirka juquraafi-siyaasadeed ee gobolka,” ayuu yiri khabiir xiriirka caalamiga ah oo ka tirsan Jaamacad ku taalla Muqdisho oo warbaahinta xogtan siiyey Washington Post.

Taliyaha Taliska Mareykanka ee Afrika, General Michael Langley, ayaa dhawaan caddeeyay in istaraatiijiyadda cusub ee Mareykanku tahay in dalalka Afrika ay mas’uuliyad dheeri ah iska saaraan amnigooda. Intii lagu guda jiray tababarrada wadajirka ah ee African Lion, Langley wuxuu ku booriyay dalalka iskaashatada ah in ay hoggaan ka noqdaan nabadgelyada qaaradda.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaalka Pentagon-ka ee lagu yareynayo joogitaanka milatari ee Mareykanka caalamka, xilli quwadaha tartamaya sida Shiinaha iyo Ruushka ay si weyn u ballaarinayaan saameyntooda Afrika.

Inkasta oo uu jiro hoos u dhac guud, Mareykanka ayaa sii wada duqeymo dhanka cirka ah oo bartilmaameedsanaya kooxaha xagjirka ah. Bishii Febraayo sanadkan 2025, markabka USS Harry S. Truman ayaa ku tuuray in ka badan 125,000 rodol oo hub ah bartilmaameedyo la xiriira kooxda ISIS ee Daacish, gudaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, khubaro milatari ayaa sheegaya in duqeymaha cirka aysan kaligood ku filnayn in lagu xakameeyo khatarta sii kordheysa ee Alshabaab iyo Daacish. Kooxahaasi waxay muujinayaan adkaysi, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo hoos u dhaca taageerada caalamiga ah.

Kooxda Alshabaab ayaa kordhisay weerarradeeda, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay dib u qabsadeen deegaano ay ka mid yihiin Aadan Yabaal, ayna saameyn ballaaran ku yeesheen koonfurta dalka.

Arrimaha kale ee laga hadlay ayaa waxaa ka mid ah in dawlada Soomaaliya ay xoogga saartay arrimaha siyaasada, sida doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka taasi oo keentay in khilaaf siyaasadeed uu ka dhashay arrimahaasi oo sida warbixinta lagu sheegay hoos u dhigay muhiimadii la siinayay dagaalka.

Iyadoo dowladda Soomaaliya ay wajahayo caqabado is biirsaday, khubarada amniga ayaa ugu baaqaya beesha caalamka in ay dib u eegto istaraatiijiyadeeda ku aaddan Soomaaliya. Waxaa la soo jeediyay in si degdeg ah loo kordhiyo taageerada si aan loo lumin guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagixisada muddo ka badan toban sano.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed