Soomaaliya oo Turkiga ka heshay gargaar bini’aadantinimo

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo shixnad gargaar bini’aadannimo u siday Soomaaliya ayaa Sabtidii la soo dhaafay ku soo xirtay dekadda magaalada Muqdisho.

Markabka oo siday 3,000 oo tan oo gargaar ah ayaa 29-kii Septembar soo shiraacday magaalada Mersin ee koonfurta Turkiye, isaga oo socdaal dheer ka dib soo gaaray Muqdisho 19-kii bishaan Octobar waxaana munaasabad ka dhacday dekedda ku qaabilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo guddoomiyaha maareynta musiibooyinka Maxamuud Macallin.

Waxaa sida oo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktas iyo wakiilo ka socday hay’adaha samafalka ee  dalkaasi.

Gargaarka ayaa ka kooban noocyo kala duwan oo cunto ah, teendhooyin, iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah nolosha, kuwaa oo gaaraya 3,000 oo tan. Taageeradan waxaa looga golleeyahay in si weyn loo horumariyo xaaladda nololeed ee dadka u baahan,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya.

“Sida had iyo jeer ah, Turkiga wuxuu sii wadi doonaa inuu gacantiisa u fidiyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah. Si loo helo mustaqbal ifaya oo lala yeesho shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2016-kii gaarsiiyay in ka badan 60,000 oo tan oo gargaar ah dalkan ku yaalla bariga Afrika, kaasoo u nugul masiibooyinka dabiiciga ah, sida abaaro, macluul, fatahaado iyo duufaanno.

Turkiga oo muddo dheer saaxiib dhow la ahaa Soomaaliya ayaa sida oo kale maalgeliyay dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, taasi oo ay dheer tahay dhisidda ciidamada qaranka, isaga oo ka dhistay dalka saldhigga ugu weyn ee meel ka baxsan dalkiisa ugu yaala iyo bariga afrikaba.

Waxa ay Muqdisho ku leedahay xaruntii ugu weyn ee ay ku tababarto ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo sannad walba soo saara ciidamo badan oo ka qeyb gala dagaalada lagula jiro kooxaha dowladda ka soo horjeeda.

Hadda laba dal ayaa cilaaqaadkoodu noqday mid sii balaartay, iyada oo dhawaan la filayo in dalka uu soogaaro Markabka baarista ee gaaska iyo saliidda. Sida oo kale Turkiga ayaa qorsheynaya in Soomaaliya uu ka diro Setlite, kaasi oo dowladdu xaqiijisay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed