Soomaaliya oo Talyaaniga kala dhaqaale loo helo howlgalka AUSSOM & dagaallada ka dhanka ah Alshabaab

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo safar ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa wadankaasi, Guido Crosetto, kaasi oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca, amniga badda, dhismaha iyo tayeynta CXD iyo dagaalka Alshabaab.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrinta maalgalinta howlgalka Nabad Ilaalinta Afrika ee AUSSOM, kaasi oo hadda wajahaya dhalaqaalo xumo ba’an, kadib markii dalalkii garabka midig u ahaa ay dhimeen dhaqaalihii ay ku kabi jireen.

Wasiir Fiqi ayaa Talyaaniga uga mahadceliyay kaalinta uu ku lee yahay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalka Alshabaab iyo tababarka ciidanka qalabka sida.

Labada Wasiir ayaa hoosta ka xariiqay xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

HBNONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed