Soomaaliya oo Taageero u Muujisay Azerbaijan Ka Dib Weeraro Ka Dhacay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka hadashay kulan qadka Taleefoonka ah ku dhexmaray wasiir Cabdisalam Cabdi Cali Dhaay iyo dhiggiisa dalka Azerbaijan, Jeyhun Bayramov ayaa lagu muujiyay garab-istaagga Soomaaliya ee ku aaddan weerarkii dhawaan lagu qaaday Azerbaijan ee Iran.

Cabdisalam Cabdi ayaa intii wadahadaladu socdeen adkeeyay taageerada Soomaaliya ee nabadda, madaxbannaanida dalalka, iyo ixtiraamka sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa ku baaqday in khilaafaadka caalamiga ah lagu xalliyo wadahadal iyo nabad, isla markaana la dhowro xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah ee nabadgelyada iyo midnimada dalalka.

Shalay, Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka Jaamacadda Carabta oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qayb-gashay ayaa si adag looga hadlay xiisadda sii kordheysa ee Bariga Dhexe, kadib weerarro Iiraan ku qaaday dalal ka tirsan Khaliijka.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed