Soomaaliya oo si xooggan u si adag u hadashay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si adag u cambaaraysay falalka argagixiso ah ee ay fuliyeen xoogagga gumaysiga Israa’iil, kuwaas oo lagu qaaday guryo ku yaalla magaalada Doha oo ay deganaayeen xubnaha dhexdhexaadiyaasha Xamaas ee dalka Falastiin.

War saxaafadeedka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in weeraradan ay ku xad-gudbayaan madaxbannaanida qarannimo ee dalka Qatar, isla markaana si ula kac ah loogu beegsaday shacab aan waxba galabsan, taas oo ka hor imanaysa dhammaan heshiisyada iyo xeerarka caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa falalkan ku tilmaantay inay yihiin ku xad-gudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar ku yihiin nabadda, ammaanka gobolka iyo caalamkaba.

DFS ayaa ku dartay in Golaha Ammaanku uu guto waajibaadkiisa, kuna dhaqaaqo tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo falalkan gardarrada ah.

Soomaaliya waxa ay xaqiijinaysaa in falalkan ay yihiin ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah. Waxaa ay ku baaqaysaa in Golaha Ammaanku uu ka guto waajibaadkiisa, kuna dhaqaaqo tallaabooyin degdeg ah oo lagu joojinayo falalkan gardarrada ah ee soo noqnoqda, lana hubiyo ilaalinta rayidka” ayaa lagu yiri warka DFS.

DFS ayaa carrabowday inay garab taagan tahay Dowladda Qatar iyo shacabkeeda, iyada oo si cad u diidaysa nooc kasta oo gardarro iyo duullaan ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed