Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Shir Madaxeed aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika, kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda Congo ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta doorka Afrika ee xal u helidda dhibaatooyinka ka jira qaaradda.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in DFS oo sheegay in musiibo Banii’adantinimo ay ka jirto Jahmhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa tilmaamay in loo baahan yahay talaabo degdeg ah, iyadoo ururada gobolka ay fure muhiim ah yihiin sidii loo yareyn lahaa xiisadaha ka taagan.
“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo banii’adantinimo, waxa ayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa carrabaabay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Dalladaha Bulshada Bariga Afrika iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sida uu hadalka u dhigay xalka colaadda DRC Congo, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.
Tan iyo bilowgii sanadkan 2025 in ka badan kala bar Milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay ka barakacaan guryahooda gobollada Waqooyiga iyo Koonfurta Kivu, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.
Warbixinada Qaramada Midoobey ayaa muujinaya in ilaa 5.6 milyan oo reer Congo ah ay ku barakaceen gudaha dalka, iyadoo in ka badan 4 milyan ay ku nool yihiin gobollada bari ee Koonfurta Kivu, Waqooyiga Kivu iyo Ituri oo keliya.
HBN ONLINE TV