Soomaaliya oo sheegtay inay caawi doonto muwaadiniinteeda ku go’doonsan Iran

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan ku wargelisay in ay u fududeynayaan ciddii doonaysa in ay ka baxdo dalkaasi oo xaallad adag oo dagaal ah ku jira.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Iraan ayaa qaarkood doonayaan in ay isaga soo baxaan dalkaas sababo la xiriira dagaallada halkaas ka socda, tan iyo maalintii Jimcaha.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga ayaa ku wargelisay dadka doonaya in ay isaga baxaan Iraan in ay ka kaalmeynayso sidii ay si nabad ah waddanka dib ugu noqon lahaayeen.

“Safaaradda JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed in ay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah waddankooda ugu noqon lahaayeen,” sida lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga X ee Safaaradda Soomaaliya.

Colaadda u dhaxaysa Iraan iyo Israel ayaa laga cabsi qabaa in ay gobolka ku baahdo isla markaana ay dabadheeraato, xilli ay istaageen duulimaadkii tooska ahaa ee labada dal kuwaa oo si toos ah u aadi jiray Tehran iyo Talaabiib, taasi bedelkeedane booskoodii lagu sawaariiq sal-gooyo ah iyo baaruud.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed