Madaxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Aljazeera qaybtiisa Al-mubaashara ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo badan oo muuhim ah oo ku saabsan cakirnnaanta xiisadda ka dhexeysa Soomaaliiya iyo Itoobiya, ee sagaalka bil ka taagneyd gobalka Geeska Afrika.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya dooneyso qabsashada dhul Soomaaliyeed, kaasi oo ay dooneyso in saldhig ka sameysato ay ku gaareyso biyaha Badda Cas, balse aanan la aqbali karin waxa ay wado.
Waxaa uu shaaca ka qaaaday Madaxweyne Xasan Sheekh in aysan jiri karin marmarsiiyo u oggolaanaya Itoobiya inay aqoonsan karto Soomaaliland, isaga oo carrabka ku dhuftay in arinta kaliya aysan ku koobneyn is afgaradka, balse muddo dheer ay wado faragalin ay ku heyso Soomaaliya.
Waxaa uu ku eedeeyey Xukuumadda Addis Ababa hubeynta qabaa’ilada iyo kooxaha hubeysan ee deegaannada dhaca xadka labada dal, kuwaa oo ay ku taageertay hub aan qarsooneyn, tan iyo markii ay saxiixday heshiskaasi bishii koowaad ee sanadkan.
“Tan iyo markii ay saxiixday heshiiskan waxa ay hubeysay qabaa’ilo iyo kooxo kala duwan ee deegaannada dhaca xadka, waxaa lagu arki karaa hubka ay ku taagertay Kooxahaasi, waana wax aan qarsooneeyn” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Itoobiya ay ku tumatay cah-diyada caalamka u yaal, ka dib markii ay qabsatay oo ay la wareegtay garoomada gobolka Gedo ku yaalla, iyado ku doodaysa in ciidamo Masaari ah oo ka soo degaya ay diidan tahay, waxaana madaxweynuhu uu dusha u saaray Itoobiya wax kasta oo gobolka ka dhacaya.
“Itoobiya waxa ay qabsatay oo ay la wareegtay Garroomada Gobalka Gedo ku yaalla, iyada oo sheegeysa in ay ciidamo Masaari ah ka soo dagayaan, ma garanayo sharciga ay daliishaneyso, Itoobiya waxa ay ku xad gudubtay dhammaan mucaahadaadka iyo qawaaniinta, iyadaana mas’uul ka ah xaalad walba oo Gobolka gegenaansho la’aan ku keenta” ” ayuu yiri.
Sida kale, waxaa uu ka hadlay xiriirka ka dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho, waxaana uu caddeeyey in Soomaaliya ay ka kaabto dhismaha ciidamada tababarkooda iyo dhanka saadka ee loo baahan yahay, ayna jiraan dowladdo kale oo ay ka dalbadeen in laga taageero dhinacaasi.
Waxaa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh haddi ay isku daydo Itoobiya in ay qabsato cad ka mid ah dhulkeena in ay Soomaaliya uu u banaan tahay wax walba oo ay sameyn karto.
“Wax walba ayaa noo bannaan haddii Itoobiya ay isku daydo in ay qabsato cad ka mid ah dhulkeenna” ayuu yiri.
Ugu dambeyn Xasan Sheekha ayaa tilmaamay in uu rajeynayo in ay “miro dhal noqdaan” dadaallada Turkiga uu waddo ee la xiriira “khilaafka u dhexeey” Soomaaliya iyo Itoobiya.
HBN ONLINE TV

