Soomaaliya oo sheegtay in Iran ay kasoo badbaadisay muwaadin ku dhaawacmay Tehran

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa maanta ku dhawaaqday inay ku guuleysatay in ay xuduudda dalka Iran soo dhaafsiiyaan muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr Mustafa Cali Macalin, kaasi oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray magaalada Tehran, kadib weerar cirka ah oo ay halkaas ka fulisay Israa’iil.

Dr Mustafa Cali Macalin ayaa ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Iran, gaar ahaan kulliyadda dhakhtarnimada, waxaana tirada ardaydaas lagu qiyaasaa tobaneeyo dhalinyaro ah. Safaaradda ayaa sheegtay si degdeg ah uga jawaabtay xaaladda, iyadoo la kaashaneysa hay’adaha amniga iyo socdaalka ee dalka Turkiga.

Muddadii la soo dhaafay, Safaaradda ee Ankara waxay tilmaantay inay si dhow ula socotay xaaladda amni ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Iran, iyadoo dadaallo xooggan ku bixinaysay sidii loo xaqiijin lahaa badqabkooda, isla markaana loogu suurogelin lahaa in laga saaro Iran haddii ay dareemaan khatar amni.

Safaaradda waxay u mahadcelisay Turkiga oo si weyn uga qeyb qaadatay fududeynta howlgalkan, iyadoo door muhiim ah ka ciyaartay sidii Dr Mustafa loogu soo gudbin lahaa dhulka Turkiga, si uu halkaas uga sii anbabaxo una soo laabto dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed