Soomaaliya oo sheegtay in go’aankeeda ku aadan Itoobiya uusan waxba iska bedelin

Dawladda Soomaaliya ayaa khad cas ka qaadatay la macaamilka Itoobiya, iyada oo ku adkaysatay in heshiiskii Addis Ababa ee lagu muransanaa ee Somaliland la saxeexday la baabi’iyo ka hor inta aan la wada hadal.

In labada dhinac kulmaan ayaa soomaaliya ku tilmaantay mid aan suurtagal aheyn, ilaa waxba kama jiraan laga dhigo heshiiskii Janaayo.
Danjiraha Soomaaliya ee dalka Tansania Ilyaas Cali Xasan oo si kooban uga hadlay arintan ayaa yiri “Soomaaliya waa dhaweynaysaa dadaallada madaxda gobolka ee ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika” .

Sida oo kale waxaa uu tilmaamay Danjire Ilyaas in mowqifka Soomaaliya uu taagnaa doono meeshiisa ilaa hadda Addis Ababa raad-tireyso heshiiskii Janaayo.
“Mowqifka Soomaaliya wali waa mid aan waxba isbeddelin: Ilaa is-afgaradkii Janaayo 1, 2024, laga dhigo mid aan waxba ka jirin, isla markaana la xormeeyo gobonnimada, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya”.

Wada hadaladda arinka ku aadan ayaa soo shaac baxay xalay markii Madaxweyne William Ruto uu shirka ka sheegay in madaxda Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo Itoobiya ay yeelan doonan shir looga hadlayo khilaafka taagan.

Dowladda Soomaaliya oo ka ogolaatay Turkiga in wadahadal uu dhex dhigo labada dal ayaa kulamo dhacay ku soo gabagaboobeen natiijo la’aan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed