Soomaaliya oo sheegay in “Xuutiyiinta, Alshabaab & Daacish ay yihiin Isbahaysi Qarsoon” oo khalkhal galiya amniga gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ilaalinta amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay mas’uuliyad wadajir ah oo saaran dhammaan dalalka gobolka, si looga hortago khataraha amni ee jira.

Madaxweynaha oo weerar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday kolonyo uu la socday 18-kii Maarso ee sanadkan, ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku daygii lixaad ee lagu khaarajin lahaa tan iyo markii ugu horreysay ee la doortay 2012-kii. Weerarkaasi oo lala beegsaday gaadiidkiisa xilli uu u safrayay garoonka diyaaradaha Muqdisho si uu ugu biiro ciidanka qaranka, ayaa lagu fashiliyey feejignaanta ciidamada ammaanka sida uu u sheegay

warbaahinta Sharq-Al-Awsad.
“Isku dayada dilka ah ee aan la kulmay ma aha weerar shaqsiyeed, balse waa weerar lagu yahay aragtida aan u leenahay badbaadinta Soomaaliya iyo ciribtirka argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in dowladdu ay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish u qaaday si laba-geesood ah – mid fikir ah iyo mid dhaqaale. Waxa uu sheegay in ay la shaqeeyeen in ka badan 300 culumo si bulshada loo wacyigeliyo, loogana hortago marin-habaabinta diimeed ee kooxahaasi adeegsanayaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka dhaqaalaha, dowladda ayaa xirtay boqolaal xisaabaad bangiyeed oo lala xiriiriyay argagixisada, iyadoo sidoo kale la burburiyay shabakado lacago si qarsoodi ah ugu ururin jiray kooxda Al-Shabaab. Tallaabooyinkaas ayaa suurageliyay in ciidanka qaranku xoreeyaan deegaano badan oo gacanta ugu jiray kooxda Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in dagaalka Soomaaliya uu yahay mid ka dhan ah argagixisada caalamiga ah, isla markaana ay kooxaha sida Al-Shabaab, Daacish, Xuutiyiinta iyo Al-Qaacida si sir ah iskula shaqeeyaan, inkasta oo ay u muuqdaan kuwo isdiiddan.

Dowladda Soomaaliya, ayuu yiri, waxay si buuxda u garab taagan tahay Boqortooyada Sacuudiga iyo waddamada Khaliijka, iyadoo qayb ka ah Isbahaysiga Islaamka ee la dagaallama argagixisada Xuutiyiinta. Waxaa uu intaas ku daray in sirdoonka Soomaaliya uu gacanta ku dhigay shixnado hub iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu u direen kooxaha argagixisada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu carabka ku adkeeyay in labada jiho ee dagaalka – Buuraha Calmaskaad iyo Golis ee woqooyi bari dalka, iyo dooxada Shabeelooyinka ee bartamaha – ay yihiin aagag muhiim ah, isla markaana guulo laga gaaray balse loo baahan yahay taageero dheeraad ah si looga hortago in Gacanka Cadmeed iyo Xeebaha Badweynta Hindiya ay noqdaan goobaha xagjirnimadu saldhig ka dhigato.

“Argagixisadu waxay beegsanayaan biyaha istiraatiijiga ah ee gobolka. Haddii aan halkaan looga adkaan, waa ay faafayaan. Sidaas darteed, amniga Soomaaliya wuxuu saldhig u yahay nabadda guud ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ugu baaqay dalalka gobolka iyo beesha caalamka in la mideeyo dadaallada lagu xasillinayo Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo ku celiyay in amniga gobolka uu yahay mas’uuliyad wadareed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed