Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda ku dhowdahay dhamaystirka wejigii hore ee howlgalka baarista shidaalka, iyadoo uu xilligan markab laga leeyahay Turkiga ka wado hawlo sahamin ah xeebaha dalka.
Isagoo la hadlayey Telefeshinka TRT ee Turkiga laga leeyahay Wasiir Daahir ayaa xusay in ay jirto rajo wanaagsan oo laga qabo in bilaha soo socda lagu guuleysto soo saarista shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah, taasoo noqon karta mid wax weyn ka beddesha horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.
“Waxaa rajo wanaagsan ka qabnaa natiijo laga helo howlgalka baarista shidaalka ee uu wado Markabka Orus Rais ee Turkiga. Xilligan waa kii aan ka faa’iideysan lahayn kheyraadkeena dabiiciga ah,” ayuu yiri Wasiir Daahir.
Sidoo kale, Waxa uu rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay mustaqbalka ka mid noqon karto ururka OPEC, oo ah ururka dalalka soo saara shidaalka adduunka. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay dowladda Turkiga, isagoo ku tilmaamay inuu yahay wadanka kaliya ee si geesinimo leh ugu bareeray in uu maalgashi iyo taageero siiyo Soomaaliya, xilli ay jireen caqabado dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah.
“Turkiga waa dowladda keliya oo khatar u bareertay si ay uga qeyb qaadato xallinta caqabadaha Soomaaliya – hadda waxay ka shaqeynayaan soo saarista shidaalkeena,” ayuu yiri markale
Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyada oo dhowaan warbixin rasmi ah oo ka timid dowladda Turkiga lagu sheegay in howlgalka sahminta shidaalka Soomaaliya uu marayo gabogabo, lagana filayo natiijooyin in laga soo saaro saddex goobood oo shidaal leh gudaha dalka.
Tani waxay noqon kartaa fursad weyn oo dhaqaale oo u horseedi karta Soomaaliya isbeddel weyn oo xagga dakhliga, maalgashiga iyo miisaaniyadda dawladda ah.
HBN ONLINE TV