Dowladda Faderaalka Somaaliya ayaa soo dhawaysay xabad joojinta Xamaas iyo Israa’iil ee ka dhaqan gashay marinka Qasa, ka dib muddo ka badan sanad oo weeraro lagu hoobtay ay ku haysay Yahuuddu shacabka reer Falastiin.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Khudbad xoogan oo uu ka jeediyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay kulankiisa 9,841-aad ayaa diirada lagu saaray xaalada bini’aadantinimo ee qalafsan ee ka jirta Qaza, isagoona dib u xaqiijiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay qadiyada Falastiin.
Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi oo Khudbad ka jeediyay kulanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in soomaaliya ay soo dhawaynayso xabad joojinta ay gaareen labada dhinac, si loo joojiyo dagaalka wakhtiga dheer socday ee Israa’iil iyo Xamaas oo ay ku dhinteen kumanaan shacaab Falastiniyiin ah iyo burburka marinka Qasa.
Fiqi ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta uu faa’iido u leeyahay daganaashaha gobolka bariga dhexe, isagoo carrabka ku dhuftay in aduunku uu daawaday arinta musiibada ah ee 15-kii bil ee la soo dhaafay ka socotay marinka Qaza.
Wuxuu u mahadceliyay dalalka Qatar iyo Masar oo Maraykanka ka caawiyay sidii loo gaari lahaa heshiiska xabbad joojinta, si loo joojiyo xasuuqa ciidamadda Israa’iil ay ka wadeen dhulka reer Falastiin ee la haysto.
Israa’iil iyo Xamaas ayaa gaaray heshiis xabad joojin oo ka dhaqan galay malintii Axada ina dhaaftay, waxaana heshiiska ku jira in la is dhaafsado maxaabiista la kala hayto. Heshiiska waxaa soo dhaweeyay inta baddan dalalka caalamka oo ku dhawaad sanad iyo bar indhaha ka fiirsanayay xasuuqaa Israa’iil ay ka waday marinka Qaza.
HBN ONLINE TV