Soomaaliya oo qalinka ku duugtay heshiis iskaashi difaaca oo ay la gashay Qatar

Dowladdaha Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi dhanka difaac ah, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay sida la sheegay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Masuuliyiintan Dowladda ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaga qayb galay shir caalami ah oo dhanka difaaca badda ah oo ahaa Bandhigga Dooxa 2026, oo ka mid ah munaasabadaha caalamiga ah ee ugu waaweyn ee difaaca badda, iyada oo lagu soo bandhigayaa teknoolojiyado casri ah iyo qalab milatari, iyada oo DFS ay sheegtay in ka qayb galkeeda uu muujinayo “dadaallada ay ku xoojinayso awoodda ciidamada iyo ballaarinta iskaashiga difaac iyo amni ee caalamka.”

Wafdiga Soomaaliya waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidamada Badda iyo Ilaalada Xeebaha, S/Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXD, iyo xubno ka socda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed