Soomaaliya oo qalab cusub oo lagu hagayo diyaaradaha isticmaala hawadeeda soo bandhigtay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixisay qalab casri ah oo loogu talagalay hagista diyaaradaha iyo maamulka hawada, kaasi oo maanta ay kala waregeen hay’adda duulista caalamiga ah ee Adduunka ICAO.

Qalabkan lagu wareejiyey Soomaaliya oo ICAO masuul uga aheyd Hay’adda duulista dalka Talyaaniga ee Lianerdo ayaa ku rakibtay magaalada Muqdisho, waxaana saamixi doonaa sida hadalka loo dhigay in uu wax weyn ka taro maamulka hawada oo dowladda Soomaaliya gacanta ku heyso.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qalaabkan oo lahaanshiyihiisa ay yeelan doonto Soomaaliya uu muhiim gaar ah u yeelan doono maamulitaanka hawada dalka.

Sida oo kale maareyaha ayaa carrabka ku dhuftay in ka dib qalabkan loo gudbi doono wajiga xiga oo shaqaalaha Hay’adda u saamixi doona in si toos ay u arkaan Diyaaradaha soo gala hawada dalka, iyada oo uu yahay wajigaasi mid si gaar ah uga wada hadlayaan Soomaaliya, ICAO iyo Lianerdo.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed