Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka Ciraaq kaga qaybgalay meertada 34-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta. Shirkan oo lagu qabtay Qasriga Dawlada ee aagga Cagaaran ee aadka loo ilaaliyo amnigiisa, ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaal dhowr ah oo Carbeed, oo ay ka mid yihiin Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda midnimada Carabta ee taageerada qadiyadda Falastiin, isagoo ku tilmaamay “imtixaan dhab ah oo ku saabsan midnimada dalalka Carabta.”
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la dardar-geliyo dadaallada lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, iyadoo lagu saleynayo xuduudihii ka horreeyay 1967-kii, si waafaqsan qaraarrada caalamiga ah.
Intaa waxaa dheer, Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay go’aanka dhowaan lagu qaaday ee cunaqabateynta saarneyd Suuriya, isagoo ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xagga dib u soo celinta xasilloonida gobolka.”
Khudbadda Madaxweynaha ayaa sidoo kale diiradda saartay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxaha Alshabaab iyo ISIS, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin adag oo lagu ciribtirayo kooxahan, si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado dhibaatooyinka ay u geysteen.
Shirka Jaamacadda Carabta ee sanadkan ayaa lagu qabanayaa hal-ku-dhigga ah “Wadahadal, Midnimo iyo Horumar”, xilli ay jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan iyo caqabado sii kordhaya oo gobolka ka jira, iyadoo ay sii socdaan dagaalka Israa’iil ay ka wado Marinka Qaza, isbeddelada siyaasadeed ee ka socda Suuriya, weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ku hayso Suuriya iyo Lubnaan, iyo sidoo kale dagaalka sii socda ee Suudaan.
Shirkan ayaa ah kii afraad ee magaalada Baqdaad ay martigeliso shir-madaxeedka Carabta, waxaana qabsoomidiisa uu ku soo aadayaa xilli arrimo xasaasi ah ay ka taagan yihiin dunida Carabta.
HBN ONLINE TV