Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa Mqudisho ku qaabilay Danjiraha Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al-Saciid Axmed, iyo U Qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar, Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar Al-Xusayni, iyagoo kawada hadashay kaalinta ay ka geysan karto Masaaridu dagaallada ka dhanka kooxaha loogu yeero argagixisada iyo amniga.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal, iyadoo si gaar ah looga hadlay doorka Dowladda Masar ay ka qaadan karto dadaallada socda ee la-dagaalanka kooxaha Alshabaab iyo Daacish, kuwaas oo weli ay tilmaantay Soomaaliya inay halis ku yihiin xasilloonida iyo amniga dalka.
Wasiir Fiqi iyo wafdiga Masar ayaa sidoo kale ka wada hadlay taageerada Masar ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM oo Masar ay ka mid tahay dowladaha xubnaha ka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa muujisay sida ay ugu rajo weyn tahay in Masar ay kaalin muuqata ka qaadato taageerada howlgalkaas, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo istaraatijiyadda amniga guud ee Soomaaliya.
“Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada Dowladda Masar ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM, oo ay Masar ka mid tahay waddamada ka qeyb qaadanaya.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish,” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi kulanka kadib.
Kulanka ayaa la tilmaamay inuu ka qeyb yahay dadaallada Xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirka iskaashi ee ay la leedahay waddamada Carabta iyo kuwa caalamka ee garab istaaga Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada.
HBN ONLINE TV