Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka mid noqotay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu biirtay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga African, taas oo ah markii ugu horreysay ee taariikhda ee dalku uu xubin ka noqdo golahan la aasaasay muddo hadda 25 sano laga joogo.

Soomaaliya ayaa kursigan muhiimka ah loo doortay bishii February ee sanadkan 2026, iyadoo ku fadhin doonta muddo 2 sano ah. Doorashadan ayaa loo arkaa mid ka tarjumaysa kalsoonida sii kordheysa ee dalalka Afrika ay ku qabaan doorka Soomaaliya ee la xiriira nabadda iyo amniga gobolka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, taas oo astaan u ah bilowga xilka cusub ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta DFS ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.

Si kale haddii loo dhigo, qabashada Soomaaliya ee xilkan wuxuu ku soo aadayaa, xili ay dowladdu wajahayso siyaasado adag iyo faragalino ka imaanaya dibadda, sida aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland oo xiligan xasaasiga ah u baahan door muuqasho ah, waxaana la filaa in xil hayntan Muqdisho ka caawiso doorkeeda wax ka qabashada xaalada gudaha iyo dibadda ee isbiirsaday.

Dhanka kale, wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in “Ku biirista Soomaaliya” ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, iyadoo horey dalku u fadhiyay kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ay tahay “astaan xooggan oo muujinaysa” soo laabashada dalka ee fagaarayaasha waa weyn ee caalamka.

“Waxay ka tarjumaysaa kalsoonida sii kordheysa ee lagu qabo codka Soomaaliya, diblomaasiyaddeeda, iyo doorkeeda wax-ku-oolka ah ee heer gobol iyo heer caalami” ayuu yiri wasiiru dowladaha arimaha dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad.

Tan iyo markii la aasaasay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Africa sanadkii 2003, Soomaaliya wax saameyn ballaaran ah kuma lahayn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed