Soomaaliya oo Maraykanka kala hadashay arrimaha amniga iyo siyaasadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ku-xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Justin Davis, si ay uga wada hadlaan xiriirka amniga iyo siyaasadda, iyaga oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, is-dhexgalka siyaasadeed, iyo isku-duwidda diblomaasiyadeed ee lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mareykanka ku tilmaantay saaxiib istaraatiiji ah, iyadoo taageeradiisa joogtada ah ee dhinacyada bani’aadannimada iyo amniga ay door muhiim ah ka ciyaarayaan xasilloonida dalka iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed