Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), ayaa soo saartay amar degdeg ah oo mamnuucaya dadka wata baasaboorka Taiwan in ay dalka soo galaan ama safar ku hakasho ah ku maraan Soomaaliya. Go’aankan ayaa si rasmi ah u dhaqan galay, sida lagu sheegay ogeysiiska duulimaadyada ee looo yaqaan NOTAM ee la faafiyay.
Tallaabadan waxay muujinaysaa sida Soomaaliya ay uga go’an tahay taageerada mabda’a siyaasada Shiine hal ah, taas oo macnaheedu yahay in ay u aqoonsan tahay Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha (PRC) dowladda keliya ee sharci ah ee matasha dalka Shiinaha. Sidaas darteed, Taiwan looma aqoonsana dowlad madax bannaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan ayaa si kulul u cambaaraysay go’aanka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay in ay si khaldan u fasiratay Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2,758, kaas oo sanaddii 1971-kii kursiga Qaramada Midoobay uga wareejiyay Taiwan loona wareejiyay dowladda Beijing.
Taiwan waxay sheegtay in qaraarkaasi uusan waxba ka galin arrinta madax-bannaanideeda, isla markaana go’aanka Soomaaliya uu yahay mid xadgudub ku ah xorriyadda socodka iyo badqabka muwaadiniinta reer Taiwan.
Go’aankani wuxuu si gaar ah u saameynayaa xiriirka Taiwan iyo Somaliland, oo in kastoo aan si caalami ah loo aqoonsan, haddana xiriir diblumaasiyadeed la leh Taiwan. Dowladda Soomaaliya waxay weli ku doodaysaa in hawada dalka oo dhan — Somaliland ku jirto — ay hoos timaado gacanteeda, taas oo ka dhigan in mamnuucista baasaboorka Taiwan ay si toos ah u khusayso dadka Taiwan u dhashay safarka ku imanaya Somaliland.
Taiwan ayaa kula talisay in muwaadiniinteedu inay u safrin Soomaaliya iyo Somaliland, maadaama khilaafkan diblumaasiyadeed uu cirka isku sii shareerayo.
Falanqeeyayaasha caalamiga ah waxay sheegayaan in arrintani ay qayb ka tahay dadaalka sii kordhaya ee Shiinaha ku doonayo in uu Taiwan ka go’doomiyo masraxa diblumaasiyadda caalamka.
HBN ONLINE TV