Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dalka si rasmi ah looga saaray liiska Qaramada Midoobey ee dalalka lagu eedeeyo askareynta carruurta, xilliyada colaadaha hubeysan.
War-saxaafadeedka oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in guushan ay ka dhalatay dadaal joogto ah oo ay sameeyeen Dowladda Federaalka, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo hay’adaha ka shaqeeya badbaadinta ubadka Soomaaliyeed. Waxaa si gaar ah loogu mahadceliyey iskaashiga dhow ee ay la yeesheen UNICEF, UNTMIS, iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobey, iyagoo hirgeliyay qorsheyaal u hoggaansan Dastuurka dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya saxiixday.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaantay in guddiga Badbaadinta Carruurta ee xilliyada colaadaha hubeysan uu door weyn ka qaatay ilaalinta xuquuqda ubadka, isla markaana ay wada shaqeyn wanaagsan la yeesheen la-hawlgalayaasha caalamiga ah, taas oo horseeday in Soomaaliya la gaarsiiyo heerar horumar leh oo laga gaaray ilaalinta carruurta.
Waxay Wasaaraddu ku adkeysay inay sii wadi doonaan fulinta ballanqaadyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta ubadka, iyadoo la xoojinayo dhismaha ciidan karti leh, xirfad leh, kana madax bannaan wax kasta oo wax u dhimaya badbaadada bulshada Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV