Soomaaliya oo la sheegay in ay ka horreyso dalal badan oo ku yaalla Qaaradda Yurub

Warbixin lagu daabacay Wargeyska The Economist ayaa lagu falanqeeyay horrumarka bulshada Soomaaliyeed gaareen, sanadihii burburka, waxaana si gaar ah loo tilmaamay Isgaarsiinta.

Nuxurka Warbixinta ayaa tilmaameysa in Shacabka Soomaaliyeed yihiin bulsho is caawisa, is daryeesha, isna taageerta, duntaasi wanaagsana ay Tiknoolajiyadda uga faa’iideysteen.
Jethro Norman, oo cilmi-baaris ka sameeyay gudaha Soomaaliya, wuxuu sheegay in adeegga Isgaarsiinta ee goobaha fog fog dalka in badan ka wanaagsan yahay xitaa haddii la eego magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa intaas lagu in xitaa Soomaaliya ka qiima jaban tahay kana wanaagsan tahay (mobile data)  Britain, Finland iyo Japan. Warbixinta ayaa tilmaameysa in Soomaalida Baraha Bulshada u isticmaalaan sidii ay u buuxin lahaayeen doorka dowladnimada ee mudada dheer banaaneyd.

“Waxaa jira Barnaamij la yiraahdo Qaaraan, dadka sida ay isugu dhaw yihiin, iyagoo  sameystay Whatsapp, si ay ugu arruuriyaan lacago lagu dhiso iskuulada, isbitaalada iyo waddooyinka” ayuu yiri Jethro Norman ah oo cilmi-baare. Intaasi wuxuu raaciyay in ay jiraan dad kale oo baraha bulshada u isticmaala caawinta bulshada masaakiinta ah.

Waxaa kale oo Warbixinta tilmaamtay in Baraha Bulshada ay fududeeyeen in shacabka la xisaabtamaan dowladda, iyaga oo saameyn ku yeelan kara go’aamada masiiriga ah, tillaabadaasi oo dalal badan aan lagu dhiiran karin.

Si gaar ah, Warbixinta waxaa ay sheegeysa in horrumarka Soomaaliya ay saacideen laba arrimood oo kala ah, bulshada qurba joogta ah oo in ka badan 2 Bilyan dollar dalka u soo dira sannadkii iyo suuqa xorta ah ee Isgaarsiinta, kaasi oo keenaya tartan iyo adeeg tayo leh.

Markii u horreysay qalabka Tiknoolajiyadda ee Moobeylka wuxuu gudaha Soomaaliya soo gaarey sannadkii 2004, waxaana muuqaneysa in dalkeennu ka horreeyo dalal badan oo dunida ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed