Warbixin lagu daabacay bogga Defence Express ee arrimaha ciidamada ayaa lagu sheegay in dawlada Soomaaliya ay ku hawlan tahay inay iibsato diyaaradaha helicopter-ka dagaalka ee T129 ATAK, kuwaas oo Turkigu farsameeyo, taasoo qayb ka ah dadaallada casriyeynta ciidamada qalabka sida. Haddii heshiiskan la dhammeeyo, wuxuu noqon doonaa horumar muhiim ah oo dhanka qalabeynta casriga ah iyo xoojinta guud ee ciidamada, si looga falceliyo khataraha amni ee sii socda, sida ay sheegtay shabakada Army Recognition.
Ciidanka cirka Soomaaliya waxay hadda haystaan ugu yaraan 10 diyaaradood oo helicopter ah oo horey ay ugu deeqday dawlada Talyaaniga, waxayna hadda doonayaan inay helaan kuwo kale.
Illaa iyo hadda, labada dhinac midna si rasmi ah uma xaqiijin heshiiskan, waxaana weli aan la shaacin faahfaahinta badan ee ku saabsan heshiiska suurtagalka ah, sida qiimaha, tirada diyaaradaha, qalabka lagu rakibi doono iyo jadwalka keenista.
Marka laga soo tago diyaaradaha helicopter-ka dagaalka, Turkiga ayaa sidoo kale geeyay Soomaaliya diyaarada Bayraktar Akıncı, oo ah diyaarad aan duuliye lahayn oo loo adeegsado howlgallada sahminta iyo weerarka, taasoo ay soo saartay shirkadda Baykar, inkasta oo dalka horay loo keenay dhowr nuucaasi ah. T129 ATAK ayaa si gaar ah muhiim u ah, maadaama ay si degdeg ah uga jawaabi karto weerarrada oo ay si sax ah u taageeri karto ciidamada dhulka,” sida ay weriyayaashu xuseen.
Warbixin ay diyaarisay Defense Express ayaa sheegtay in Soomaaliya ay si weyn uga faa’iideysan doonto helitaanka diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, iyadoo aan ahayn oo kaliya tayada, balse sidoo kale lagu ballaarinayo tirada diyaaradaha ay haystaan ciidamada Soomaaliya.
Dowladdu waxay dooneysaa inay sii ballaariso awooddeeda ciidamada cirka si ay uga jawaabto khataraha amni ee taagan. Warbixinta Military Balance waxay muujisay in bilowgii 2024, ciidanka dhulka ee Soomaaliya ay adeegsanayeen kaliya laba diyaaradood oo ah Bell 412 oo nooca adeegga guud.
Talyaaniga ayaa ugu deeqay Soomaaliya diyaarad kale oo dheeraad ah, taasoo tirada guud ee diyaaradaha gaarsiisay toban, oo ay ku jiraan lix Bell 412 (oo ay kamid tahay mid Bell-412SP ah) iyo afar Bell 205A.
Qorshaha iibashada T129 ATAK wuxuu qeyb ka yahay hannaanka casriyeynta ee ciidanka cirka ee Soomaaliya, iyada oo la xoojinayo xiriirka milatari ee kala dhaxeeya Turkiga. Haddii heshiiskan la hirgeliyo, wuxuu Soomaaliya siin doonaa awood cusub oo dhanka diyaaradaha dagaalka ah, taasoo sii xoojin doonta dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada ah ee dalka ku sugan.
HBN ONLINE TV