Soomaaliya ayaa si aqlabiyad leh ugu soo biirtay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, kadib markii ay heshay 46 cod doorasho ka dhacday xarunta golaha ee magaalada Addis Ababa.
Doorashadani waxay Soomaaliya ka dhigeysaa sida ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya DS xubin muhiim ah oo ka tirsan mid ka mid ah golayaasha ugu saamaynta badan arrimaha nabadda iyo amniga ee qaaradda. Soomaaliya ayaa Golaha Nabadda ku jiri doonta 2026–2028.
Guushan ayaa timid xilli Soomaaliya ay sidoo kale hadda xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taasoo ka dhigan in dalku uu yeeshay miisaan culus oo saameynaya go’aanada labada gole ee Afrika iyo adduunka. Waxay sidoo kale muujineysaa sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya dib-u-soo kabashada maqaamka Soomaaliya ee masraxa caalamka iyo kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan dowladnimadeeda.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika (PSC) muddo 2026–2028, taas oo ah guul diblomaasiyadeed oo taariikhi ah, isla markaana astaan u ah dib-u-soo kabashada kaalinta saxda ah ee Soomaaliya ku leedahay saaxadda diblomaasiyadda qaaradda iyo caalamka” ayaa lagu yiri war ay soo saartay DFS.
Sidoo kale, madaxweyne Xasan oo ka hadlay guusha Soomaaliya ayaa yiri “Kalsoonida iyo taageerada ay Soomaaliya ka heshay dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika waxay caddeyn u tahay isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirka iskaashi ee sii xoogeysanaya. Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, maanta waxaynu fadhinnaa Golaha Amniga iyo Nabadda Afrika”.
Soomaaliya waxay mar kale sheegtay inay xaqiijin doonto go’aankeeda aan leexleexadka lahayn ee ku aaddan horumarinta nabadda, ammaanka, xasilloonida, iyo dhiirrigelinta wada-hadal wax ku ool ah oo ka hanaqaada guud ahaan qaaradda.
HBN ONLINE Tv

