Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo fadhiisan doonta kursiga aan joogtada aheyn inta u dhaxeysa 2025 ilaa 2026.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa sheegay in kursigaan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya, isla markaasna ay uga shaqeyn doonaan danaha caalamka.
“Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.” ayuu yiri Danjire Baalle.
Muddo 52 sano kadib, ayay Soomaaliya ka mid noqoneysa golaha, waxaana dalka u noqoneysa fursad iyo is kaalmeysi.
Golaha Ammaanka ee Soomaaliya kamid noqotay ayaa waxaa qeyb ka ah shanta xubnood ee joogtada ah ee Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, UK iyo Mareykanka – iyo 10 xubnood oo aan joogto ahayn oo loo doortay xilli wareeg ah.
Si lamid ah Soomaaliya waxaa sannadkan Golaha Ammaanka shirarkiisa ku biiray Dowladaha Denmark, Giriiga, Pakistan iyo Panama.
HBN ONLINE TV