Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga hadlay dad uu ku sheegay inay yihiin ajaaniib ku sugan xerada Xalane ee Muqdisho, kuwaas oo uu eedeeyay inay faafinayaan fikradaha kooxda Alshabaab.
Fiqi ayaa sheegay in dadkan qaarkood ay yihiin saraakiil ka tirsan hay’adaha caalamiga ah, balse aan si dhab ah uga qeyb qaadan howlaha taageerada Soomaaliya, sida ciidamada amaanka iyo hay’adaha kale ee dowladda.
Waxa uu intaa ku daray in qeyb ka mid ah ajaaniibtaasi ay yihiin kuwo u yimid Soomaaliya oo kaliya “mushaar doon,” iyadoo qaar ka mid ah ay baahinayaan xogaha marin habaabinta ah ee la xiriira in kooxda Alshabaab ay dabeecad ahaan isbedeleen.
“Halkaan Rag noo joogaa jira Xalane oo iyaguna isku jira: Qaarna halganka socda Taageero. Kuwa kale oo Mushaar u soo doontay oo iyaguna faafiya been ayaa jirta oo dhahaya Shabaabkii dabeecadii bay iska bedeleen. Ninka ATMIS-ta hadda ku xigeenka ah ayaa ka mid ah, talaabo ayey dowladdu ka qaadi doontaa” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Sidoo kale Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in saraakiil shisheeye ah ay ku milmaan arrimaha gudaha dalka, isla markaana ay caadi ka dhigaan hadallo iyo aragtiyo wax u dhimaya qiyamka qaranka.
10-kii bishaan Abriil Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar Balcad ayaa sheegay in dalka uu yahay mid ka nabdoon sidii hore, isla markaana kooxda Al-Shabaab ay aad u daciifeysay sannadihii la soo dhaafay, iyada oo si cad u cambaareysay hadallo uu dhawaan jeediyay Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Siyuvile Bam.
“Waa nasiib darro in Mr. Bam uu hoos u dhigo horumarka laga sameeyay amniga. Waxaan weli u mahadcelineynaa walaalaheenna Afrikaan ah ee na la garab taagan, gaar ahaan howlgalka muhiimka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir Balcad.
Dowladdu waxay sheegtay in hadalkaasi uu dhaawacayo dhiirrigelinta shacabka Soomaaliyeed, isla markaana uu u muuqdo mid aan u qalmin mas’uul Midowga Afrika metelaya. Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay inay weli garab taagan tahay iskaashiga ay la leedahay Midowga Afrika, iyada oo bogaadisay halganka iyo naf-hurnimada ciidamada ka socda dalalka deriska ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay talaabooyin adag uga qaaday diblumaasiyiin iyo saraakiil shisheeye oo lagu helay faragelin siyaasadeed iyo falal aan la jaanqaadi karin doorkooda rasmiga ah, iyadoo marar badan lagu wargeliyay Beesha Caalamka in aysan u dulqaadan doonin Soomaaliya cid kasta oo khatar ku ah xasiloonida iyo dib u dhiska dalka.
HBN ONLINE TV