Soomaaliya oo ku dhow inay ku biirto Ururka Ganacsiga Adduunka ee WTO, kadib taageero ay ka heshay UK

Soomaaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dadaallada ay ugu jirto ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), kadib markii Muqdisho ay ka dhaceen wadahadallo farsamo oo socday muddo toddobaad ah, kuwaas oo uu maalgelisay Boqortooyada Midowday ee UK.

Mas’uuliyiin ka kala socday WTO, Xarunta Ganacsiga Caalamiga ah (ITC) iyo dowladda Soomaaliya ayaa intii u dhexeysay 10-ka ilaa 15-ka Oktoobar ka wada shaqeeyay dhammaystirka dukumentiyada muhiimka ah ee ku biirista, kuwaas oo loo diyaarinayo kulanka xiga ee kooxda shaqada WTO, kaas oo la filayo inuu qabsoomo sannadka dambe ee 2027-ka.

Soomaaliya ayaa codsatay xubinnimada WTO sannadkii 2015-kii, iyadoo dooneysa inay ballaariso ganacsiga caalamiga ah, soo jiidato maalgashi shisheeye, isla markaana xoojiso kobaca dhaqaalaha ee dalka.

Wadahadalladu waxay diiradda saareen habraacyada kastamyada, xeerarka soo dejinta, heerarka badqabka cuntada, xuquuqda hantida aqooneed iyo helitaanka suuqyada badeecadaha iyo adeegyada.

Sidoo kale, Dhoofinta xoolaha nool ee Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 soo xareysay ku dhowaad $576 milyan oo doollar, taasi oo muujinaysa awoodda sii kordheysa ee ganacsiga dalka.

Danjiraha UK u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa mar kale xaqiijiyey sida ay boqortooyada uga go’an tahay taageeridda himilooyinka Soomaaliya ee ku biirista Ururka Ganacsiga Adduunka. Waxa uu tallaabadan ku tilmaamay mid muhiim u ah abuurista fursado ganacsi, soo jiidashada maalgashi iyo abuurista shaqooyin.

Soomaaliya ayaa sidoo kale hiigsanaysa inay waafajiso waajibaadka ay ka qaadanayso Ururka heshiisyada ganacsi ee heer gobol.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed