Soomaaliya oo ku biirtay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka Adduunka

Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay xubnaha Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA), taas oo ka dhigaysa xubinta ugu cusub ee ururkaasi caalamiga ah.
Wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Khadra Ducaale ayaa waraaqaha aqoonsiga xubinnimada u gudbisay Agaasimaha Guud ee IAEA Rafael Grossi, magaalada Vienna ee dalka Austria.

Grossi ayaa si diirran u soo dhaweeyay go’aanka Soomaaliya, isaga oo xusay in xubinnimadani ay albaab u fureyso iskaashi ballaaran oo dhinaca cilmiga iyo tignoolajiyada nukliyeerka ah.

“Waxaan rajeyneynaa in aan si wadajir ah ula shaqeyno Soomaaliya, gaar ahaan ballaarinta helitaanka cilmiga iyo tignoolajiyada nukliyeerka ee mashaariic kala duwan,” ayuu yiri Grossi.

Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay inay ku biirto IAEA intii lagu guda jiray shirweynihii guud ee hay’adda oo ka dhacay magaalada Vienna sanadkii hore 2024, iyadoo noqotay xubinta 179-aad.

Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay horey uga mid ahayd saxiixayaasha heshiiska ka hortagga faafinta hubka Nukliyeerka (NPT) tan iyo sanadkii 1968-kii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed