Soomaaliya oo khudbad adag ku dhaleeceysay Israa’iil, kuna Baaqday Xabbad-joojin Degdeg ah oo Gaza ka Dhaqan-gasha

Soomaaliya ayaa khudbad adag ka jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo si kulul u cambaareysay qorshaha Israa’iil ee lagu doonayo in si ciidan ah loo maamulo Marinka Gaza, kana digtay xaalad bani’aadannimo oo sii xumaaneysa.

Khudbadda ay jeedisay dowladda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay in Gaza ay ka jirto musiibo bani’aadannimo oo ba’an iyo jebin joogto ah oo lagu hayo shuruucda caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa si cad ugu baaqday in la sameeyo xabbad-joojin degdeg ah, in la xaqiijiyo gelitaanka gargaar bani’aadannimo, isla markaana la dhowro xuquuqda shacabka Falastiin.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad laba milyan oo qof oo wali ku go’doonsan Gaza ay ka dhigan tahay “kordhinta musiibo horey u ba’aneed oo horseedi karta abaar bini’aadannimo oo dunida ugu xun.”

Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in golaha ammaanka uu hirgeliyo marin buuxa oo aan carqalad lahayn oo gargaar bani’aadannimo ah, si cunto, biyo iyo dawooyin ay bixiyaan hay’adaha sida UNRWA iyo OCHA si xor ah u gaaraan dadka ay saameeyeen dagaalladu. Dowladda ayaa carrabka ku adkaysay in sahaydan aysan ahayn “sadaqo,” balse ay tahay “xuquuq dhab ah” oo ay dadkaasi leeyihiin.

Sidoo kale, khubadda ayaa la sii raaciyey “Waxaan si weyn uga walaacsan nahay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Masjidka Al-Aqsa, waxaana ku celinaynaa in tallaabo kasta oo kicinta ama ku xadgudub ah ay wiiqayso nabadda iyo xasilloonida, ayna tahay in si cad oo aan shaki ku jirin loo cambaareeyo” ayaa lagu yiri khubadda Soomaaliya.

Baaqan ayaa imanaya iyadoo Israa’iil ay wado weerar militari oo ballaaran, halka beesha caalamka ay sii kordhinayso cadaadiska lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda. Soomaaliya ayaa ugu yeertay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay qaadaan tallaabooyin muuqda oo lagu difaacayo shacabka rayidka ah, laguna soo afjaro waxa ay ku tilmaantay gardarro iyo ku xadgudub xuquuqda bani’aadamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed