Soomaaliya oo kaalmo milateri in ay hesho kala hadashay Asarbayjaan

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa ayaa magaalada Baku kula kulmay dhiggiisa Asarbayjaan, Zakir Hasanov, iyada oo kulankooda wararka laga helay ay tilmaamayaan in ay ka wada xaajoodeen iska kaashiga dhanka difaaca ee labada.

Kulanka labada wasiir ayaa lagu isku dhaafsaday sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga milatari ee labada dal, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Booqashadaan wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu ku tagay dalka Asarbayjaan ee lagu raadinayo helitaanka kaalmo milateri ayaa imaaneysa xili dowladdu ku howlantahay helida cid ka taageerta dhismaha Ciidamada oo baahi weyn ka jirto.

Soomaaliya oo ka heshay hubkii ugu badnaa Masar ayaa wada heshiis dheeraad ah oo ay la ku raadineysa saaanad iyo kaalmo gargaar ciidan sida ay sheegaayaan ilo dhanka diblomaasiyadda faaqida.

Itoobiya ayaa sheegtay in ay ka waalacsan tahay hubka faraha badan ee soo galaya sida hadalka ay u dhigtay Soomaaliya, taasi oo dowladdu ku macnesay mid wax lala yaabo in Addis Ababa hadalada ka soo yeeraya iyada oo hubeysay maamulada dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed