Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir looga hadlay xaaladda Bariga dhexe

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa kaga qeybgalay caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka.

Shirka ayaa waxaa lagu falanqeeyay arrimaha ka taagan Bariga dhexe, gaar ahaan weerarka joogtada ah ee Israel ku hayso dhulka Falastiin iyo Lubnaan.

Sida oo kale xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo isku dubaridka mowqifyada wadajirka ah ee dowladaha xubnaha ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka, Xuseen Ibraahim Taha, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Islaamka.

Dhanka kale, shirka waxaa ka qaybgalay Wakiilo ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaa oo uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkaan oo ka dhacay dalka Boqortooyada Sucuudiya, ayaa ahaa shirka wasiirrada ee loogu diyaar garoobayo Shir Madaxeedka Caalamiga ah ee Carabta iyo Islaamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed