Soomaaliya oo ka qeyb gashay Madasha Difaaca shiinaha oo ay isugu yimaadeen ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal

Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Madasha Difaaca Caalamiga ah ee Beijing Xiangshan Forum, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, kaasi oo socon doono inta u dhaxeysay 17–19 Sebteembar, ayna isugu yimaadeen wasiirro gaashaandhig iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi. sidoo kale madasha waxaa joogtay Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Shirka oo ah kii 12-aad ee noociisa ah ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

Halkudhigga sanadkan wuxuu ahaa:“Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”. Madasha waxaa ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 ergo oo isugu jira wasiirro difaac, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee madashan ayaa loo arkaa mid muujinaya sida dalku ugu sii dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed