Soomaaliya oo ka fiirsaneysa in Itoobiya ka mid noqon doonto howlgalka AUSSOM

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in wixii hadda ka dambeeya ay hoggaamin doonto jihada howlgalka xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyada oo si cad diiradda u saareysa ilaalinta gobanimada JFS.

“Marka aan ka gudubno ATMIS oo aan u wareegno Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Soomaaliya waxay hoggaamin doontaa jihada howlgalka iyadoo si cad diiradda u saareysa gobanimada,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee XFS.

“Inta aan isu diyaarinayno wejiga xiga ee nabad ilaalinta oo hoos imaanaya Howlgalka Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee soo socda, waxaa lama huraan ah in aan mar kale ku celinno in Soomaaliya ay tahay dal madax-bannaan, awoodda go’aan ka gaarista dalalka ciidamada ku biirinaya howlgalknana iyadu leedahay” ayaa la sii raaciyey.

Go’aanka ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka ayey sheegtay “waa inuu waafaqsanyahay danaha qaranka Soomaaliya iyo ilaalinta qaranimadeeda”.

Sida oo kale, waxaa ay ku eedeysay Itoobiya in dhawaan ay qaaday tallaabooyin halka dhinac ah, kuna jiraan heshiisyo sharci darro ah sida hadalka loo dhigay oo lala galay gobollada waqooyi ee Soomaaliya, taasi oo ay tilmaamay in ay ku xad-gudbayaan madax-bannaanideeda oo meesha ka saarayaan kalsoonida lagama maarmaanka u ah nabad ilaalinta.

“Soo gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya waxaa uu sara u qaaday kororka kooxda Khawaarijta, iyadoo horumada dhinaca guulaha ee laga gaarayna aanu gaarsiisaneyn heerkii loo baahnaa, Iyadoo la eegayo arintaas dowladda Soomaaliya waxay dalbanaysaa xulashada istaraatiijiyadeed ee dheeraadka ah ee la-hawlgalayaasha ciidamada si loo hubiyo in AUSSOM ay la jaanqaado hadafyada amniga iyo horumarka Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka waraadda arimaha Dibadda XFS.

Soomaaliya ayaa cadeysay ka go’anaashiyaheeda in ay kala shaqeyno Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo Midowga Yurub AUSSOM, iyadoo Soomaaliya ay hormuud u tahay xulashada saaxiibada ixtiraamaya madax-bannaanidayada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed