Soomaaliya oo iska bixisay Qaaraankii Golaha Ammaanka oo lagu lahaa in ka dabn 30 sano

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 35-sano kadib ay ku guulaysatay in ay ka baxdo liiska dowladaha lagu lahaa qaaraanka dhaqaale ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Dowladaha aan bixin qaraanka ayaa aan wax cod ah ku yeelan karin fadhiyada golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 35-sano ka dib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo isheegay bixinta lacagtan ay ku timid dadaal ay bixisay Soomaaliya.

Fiqi oo tilmaamay in dhibaato kala kulmaan fadhiyada golaha wadamada lacagaha lagu leeyahay ayaa sheegay in lacagtan qaaraanka ah laga dhiibay sanduuqa Soomaaliya, taasi oo sahashay in laga nadiifiyo dalka lacagihii lagu lahaa. Wuxuu sheegay in bixinta lacagta ay sahli doonto dalka la dhageysan doono codkiisa uu ku leeyahay kulamada golaha.

“Soomaaliya waa xubin buuxda oo codkeeda iyo kalmadeeda si la siman dowladaha kale ee qaaraanka iska bixi jiray ayey la mid tahay, taasi waxay inoo sahashay in kursigaa golaha ammaanka ay Soomaaliya si raaxo leh ay ugu fadhido oo codeynayso, go’aaankeedane u madax-banaan tahay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Waxaa uu intaasi ku daray arintaan ay kaalin ka qaadaneyso Diblomaasidda Dowladda Soomaaliya ku wajahday siyaasaddaha gudaha iyo Dibadda. Sidoo kale, waxaa carrabaabay in Dowladda ay qaadatay 3-dii sano ee la soo dhaafay doorkeeda is bedel ee ku aadanaa in Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ay ku guuleystaan in dhul baaxdan weyn ay gacanta kaga dhigeen kooxda Alshababa, taasi oo sahleysa in laga maarmo Ciidamada shisheeye ee Nabad ilaalinta dalka u jooga.

Ugu dambeyn waxaa uu hoosta ka xariiqay in wax badan ay iska bedeleen dalka oo ku aadaanaa aragtii caalamku uu ka heystay halisaha badnaa, sida Burcad badeeda iyo Qaraxyada oo uu sheegay in wajiyadaasi aanay aheyn kuwa maanta dunida ay la wadaagayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed