Sidee Soomaaliya uga baxday liiska dalalka ugu amniga liita?

Sida lagu sheegay warbixinta cusub ee Global Peace Index (GPI) 2025, Soomaaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhinaca amniga, kadib markii ay ka baxday booskii ay hore ugu jirtay dhanka dalalka ugu amniga liita.

Soomaaliya ayaa ka baxday liiska tobanka dal ee ugu amniga liita dunida, fayl ay shan sano ka hor ku jirtay kaalinta 6-aad. Hadda, dalka wuxuu ku jiraa kaalinta 14-aad, taasoo muujinaysa horumar la taaban karo oo ku aaddan nabadda iyo xasilloonida.

Horumarkan waxaa uu ka tarjumayaa dadaallada dowladda ee xoojinta amniga, la dagaalanka kooxaha hubeysan, iyo dhiirrigelinta xasilloonida gudaha.

Inkastoo caqabado amni ay weli jiraan, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish iyo khilaafaadka siyaasadeed, horumarkan ayaa rajo gelinaya in Soomaaliya ay sii waddo jidka nabadda iyo xasilloonida, sida lagu sheegay warbixinta GPI.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed