Soomaaliya oo heshiisyo waa weyn maanta la saxiixtay dalka Serbia

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi oo dhinacyo badan oo muhiim ah taabanaya, kuwaas oo ay ka mid yihiin amni iyo caafimaad, xilli uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre booqasho rasmi ah ku joogo caasimadda dalkaasi ee Belgrade.

Kulanka dhexmaray Xamsa iyo dhiggiisa Serbia, Đuro Macut, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Qasriga Madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiisyo wada-shaqeyn caafimaad.

Heshiiskan waxaa dhanka Soomaaliya ku saxiixay Wasiirka Caafimaadka, Cali Xaji Aadam, halka dhanka Serbia uu ku saxiixay Wasiirka Caafimaadka, Zlatibor Lončar, waxaana goobjoog ka ahaa labada Ra’iisul Wasaare.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska caafimaadku uu diiradda saarayo iskaashiga adeegyada caafimaadka, is-dhaafsiga khibradaha caafimaad, cilmi-baaris wadajir ah, iyo barnaamijyo tababar loogu talagalay shaqaalaha caafimaadka.

Soomaaliya waxay uu uga mahad celisay dhiggiisa Serbia soo dhaweynta diirran, iyada oo xustay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed iyo midka laba geesoodka ah ee labada dal.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed