Soomaaliya oo heshiis dhanka difaac ah la gashay Masar

Soomaaliya & Masar ayaa qalinka ku duugay heshiis muhiim ah oo dhanka difaaca ah oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga amniga ee labada dal, ka dib kulan magaalada Qaahira ay ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Abdel Fattah El-Sisi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Cabdulfataax Al-Siisi ayaa waxaa si wadajir ah u xaqiijiyeen in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Dowladd Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskan cusub ee difaaca uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa tilmaamay in la adkeeynayo muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyaga oo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

Heshiiskan iskaashiga dhanka difaaca & ammaanka ah ayaa ku soo aadayaa maalin ka dib markii uu guuldaraystay hindise Turkigu uu ku dhexdhexaadinayay Soomaaliya & Itoobiya.

Toddobaadkii hore Masar waxay shaacisay inay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya ka hawlgalaya horaanta sanadkan dambe, iyadoo Dawlada Soomaaliya ay si cad u sheegtay in Itoobiya aysan qayb ka noqon doonin hawlgalkan ilaa iyo inta Itoobiya wado ku xadgudubka madaxbannaanida & qarannimada Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed