Soomaaliya oo heshay hubkii ugu badnaa iyo halka laga keenay saanadkan ciidan?

Dowladda Soomaaliya ayaa heshay hub aad u badan oo kaga yimid dalka Masar, ka dib markii magaalada Muqdisho uu ku soo xirtay Markab gaar ah oo dalkaasi uga keenay saanad ciidan nuucyadeeda kala duwan.

Dowladda Soomaaliya oo si kooban uga hadashay ayaa sheegtay in ay ka gudubtay sida hadalka loo dhigay marxaladdii la dhihi jiray “cida aad la macaamileyso” waa in aan raali ka ahaano, sida qoraal kooban oo ku baahiyey boggiisa Facebook uu ku sheegay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

“Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey ciddaad la macaamileyso waa inaan annagu raali ka nahay. Danteenna anagaa naqaanna, sokeeyaheenna iyo shisheeyaheenna annagaa kala xulaneynna” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka ayaa farriinta uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga wuxuu ku daray callamada Soomaaliya & Masar oo uu raaciyay calaamada awood.

Hubkaan u soo degay Soomaaliya ayaa qaybo ka mid la geeyey wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho, iyada oo wadooyinka loo xiray inta uu socday daabulitaankiisa oo gaadiidka xamuulka ee dowladda wadeen.

Sida oo kale muuqaalo ku baahay baraha bulshada ayaa lagu arkayey Baabuurta gaashaaman oo jiidayay madaafiicda goobta ee jugta culus (Artillery), waxaa kale oo ka mid ahaa gaadiid sida sanaadiiq loo qaatay inay ku jirto rasaas.

Waa markii ugu horeysay Soomaaliya oo saanad ciidan oo intaa la’eg hesho, ka dib burburkii dowladdii kacaanka oo 30-sano ka hor aheyd.

isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed