Soomaaliya oo guul muhiim ah ka gaartay Maareynta Arrimaha Xuquuqul Insaanka ee QM

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta meel mariyey qaraar muhiim ah oo Soomaaliya ay kula soo wareegtay maareynta madaxbannaan iyo waajibaadkeeda qaran ee arrimaha Xuquuqul Insaanka, arrin Soomaaliya ka maqneyd tan iyo 1993-dii.

Guusha Soomaaliya ka gaartay kulankii codbixinta ee magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saartay habkii hore ee dalka loogu soo magacaabi jiray qof qabiir ah, iyadoo Soomaaliya hadda si madax-bannaan u maamuli doonto arrimaheeda xuquuqul insaanka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa tallaabadan ku tilmaantay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

Guushan ayaa qeyb ka ah horumaro isdaba-joog ah oo Soomaaliya ka gaartay fagaareyaasha caalamka, oo ay ku jiraan qaadista cunaqabateynta hubka, dayn-cafinta, iyo helidda kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Tani waa tallaabo taariikhi ah oo dib u xaqiijinaysa madax-bannaanida Soomaaliya iyo sumcadda dalka ee arrimaha xuquuqul insaanka caalamka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed