Soomaaliya oo guddoomisay kulankii ugu horreeyey ee golaha ammaanka, xaalad xasaasi ahna lagaga hadlayo

Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay guddoomisay kulan degdeg ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ah, kaas oo lagaga hadlayo xaalad aad u xasaasi ah oo ka dhalatay tallaabadii Maraykanku kula wareegay Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, isagoo laga soo qaaday magaalada Caracas.

Madaxweynaha golaha ammaanka, ahna Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abubakar Dahir Osman ayaa kulankiisii ugu horeeyey wuxuu noqday degdegga ah oo gilgilay gobolka iyo caalamkaba, waxaana si weyn diiradda loo saaray saamaynta tallaabadan ay ku yeelan karto nidaamka caalamiga ah iyo xiriirka dalalka waxa uu Maraykanka ka sameeyey 3-dii bsihaan Venezuela.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa khudbad uu u jeediyay safiirrada ku adkeeyay in la ixtiraamo qarannimada dalalka, madax-bannaanidooda siyaasadeed, iyo wadajirkooda dhuleed. Wuxuu sidoo kale ka digay in tallaabada Maraykanku qaaday ay abuurtay “tusaale halis ah” oo wax u dhimaya nidaamka kala dambaynta dunida, sida uu horey u sheegay Sabtidii.

Kulankan taariikhiga ah oo Soomaaliya guddoomisay ayaa muhiim u ah dalka, maadaama ay muujinayso kaalinta ay ku leedahay diblomaasiyadda caalamiga ah iyo doorka ay ka qaadanayso go’aamada la xiriira nabadda iyo amniga adduunka.

Inta lagu guda jiro muddo xileedka Soomaaliya ee kulamada golaha ammaanka ayaa la filayaa inay Muqdisho kaga faa’iideysato xaaladaha siyaasadeed ee taagan, sida xiisadda Israa’iil oo aqoonsi aanay dunidu ku raacin ku siisay Somaliland, taasi oo dowladdu ku tilmaantay mid ka hor, jabinaysana midnimada dal madaxbanaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed