Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf xoosh ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda Finland oo uu hoggaaminayo Safiirka iyo ku xigeenkiisa u fadhiya Soomaaliya ee Finland.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda iyo xiriirka u dhexeeya labada dowladood.
Sida oo kale kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray dadaalada xaslinta iyo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka, kuwaa oo dowladda Soomaaliya sheegtay in laga hirgali doono si looga guuro doorashada midda dad badan.
Finland waxaa ay ka mid tahay dalalka saaxiibada dhow la ah Soomaaliya oo ka caawiya arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, waxaana maanta kulan sida oo kale qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland.
HBN ONLINE TV