Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Beijing ee Caasimadda Shiinaha ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa Eretareeya Isaias Afwerki, waxaana labada masuul kawada hadleen iskaashiga ku qutoma xiriirka iyo dagaalka kooxaha dalka ka dagaalama.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Isaias Afwerki ayaa waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero “argagixisada” iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.
Xasan Sheekh ayaa kulamo doceedyo la yeelanaya madaxda Shiinaha iyo kuwa Afrika ee lagu martiqaaday Shirka Beijing ee diiradda lagu saarayo iskaashiga labada dhinac iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya.
Mas’uuliyiin kale oo ka qaybgalaysa shirkaan ayuu sidaan oo kale ula kulmi doonnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Madaxtooyada Qaranka.
HBN ONLINE TV

