Soomaaliya oo dood ka keentay in xarunta IGAD ku taalo Itoobiya

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay fadhiga wadajirka ahaa ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dood ka keenay in xarunta IGAD ay ku sii taalo magaalada Addis Ababa, iyada oo Itoobiya u dhaqmeyso sida uu hadalka u dhigay qaab ka hor imaanaya cahdiga ururkaasi lagu aasaasay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Itoobiya isku heli karin in ay ahaato xarunta ururka bariga Afrika ee IGAD iyo in ay ku tumato sharciga u degsan.

Sida oo kale, waxaa uu meesha ka saaray dooda Itoobiya ee ah in la’aanteed Soomaaliya aysan guul gaari karin, waxaan uu shaaca ka qaaday in iyaga oo aanay la jirin ka xoreysteen meelo badan oo dalka ka mid ah kooxda Alshabaab.

Arinta ku aadan cabsida xukuumadda Addis Ababa ay ka sheegtay in bariga Afrika uu xumaanayo amnigiisa ayuu tilmaamay in Soomaaliya ay cod-dheer ku leedahay in iyagu aheyn kuwa xumeynaya sida uu yiri “amniga gobolka geeska”.

Waxaa uu soo jeediyey in cid is xoogi karta atsab jirin, balse amniga gobolka loo daayo nabad iyo daris wanaag, maadama aanay la isku xad gudbi karin.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed